Formaajow abaaro iyo alalaas ka la daa!
Intii u mashxaradday, u maansootay, u muduharaadday, u muraadday ama u muraaqootay ku ma jirin, sida mar walba mid loogu maamuuso wax uusan mudnayn.
Si walba, 28/02/2017 Formaajo waxa uu sheegay, in abaarta dalka ka jirta ay aad u weyn tahay, heer uu iclaanshay, in MUSIIBO QARAB ay dalka ka jirto, abaaraha awgood!
Hadal loo riyaaqay, balse, aan run dib ka noqon. Maxaa yeelay, Formaajo, habeenkii la ansixiyey RW Kheyrre, wuxuu fidiyey casuumaddan aad muuqalkan ka daawan kartaan.
Is ma qabato abaar iyo alalaas! Is qabato xaflad iyo abaar! Is ma qabato dhereg iyo gaajo.
In uu na yiraa dalka musiibo qaran oo abaari keentay ayaa ka jirta, haddana uu ciyaaro iyo dheel dhigto, waa maan marnaan!
Ciyaar haba dhigto, ee heesta dhagaysta, waxaa lagu qaadayaa Saxaawili, oo maxaa looga baahday? Malaha dharag dhacsigii xitaa wuxuu galay heesihii, oo kuwa soomaaliga ah waa in laga gudbaa!
Formaajo, fadlan abaar dambe faruuryahaaga ha u ka la furin.
Waa la MURRUGAY!
Qalinkii: Bashiir M. Xersi