Farmaajo oo safar qarsoodi ah dibadda ku aaday

Wararka Maanta

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sii jeeda dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, wararka ayaa sheegaya in dal kalena uu tagi doono, kaddib safarkiisa DR Congo.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in safarkiisa uu la xiriiro wada hadal la filayo in laga dhex bilaabo Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa ah Madaxa Midowga Afrika ee xilligan, si kala gaar gaar ah ayuu u qaabili doonaa Farmaajo iyo Uhuru oo isna la filayo inuu khamiista tago dalka DRC

Farmaajo oo lagu waday in gelinka dambe ee maanta ka duulo Muqdisho ayaa la sheegayaa in diyaaradii qaadi laheyd oo laga soo diray DRC aanay weli soo gaarin Muqdisho, lana filayo in caawa fiidkii soo gaarto.

Goor sii horeysay oo Ciidamada Koofiyo Gaduud waddooyinka la xiray ayaa mar dambe la furay.