Faafaahin: Qarax gaari oo saaka ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax gaari oo saaka ka dhacay xaafadda Galmudug ee duleedka Magaalada Muqdisho, Gaariga qaraxay ayaa ahaa nuuca CARIB (Kaarib), waxaana watay ciidamado ka tirsan Dowladda.

Gaariga ayaa loo maleynayaa in qaraxa lagu xiray, waxaana ku dhintay hal askari, sidoo kale askari kale ayaa ku dhaawacmay. ciidamada ammaanka oo goobtay gaaray ayaa qaaday askarta waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaas.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya iyadoo amniga gobolka Banaadir lagu wareejiyey ciidamada Booliska Soomaaliya, sidoo kale waxaa howlgab laga dhigay ciidankii xasilinta Muqdisho oo u badnaa ciidanka NISA.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale howlgallo ka wadda goobta uu Qaraxu ka dhacay. Qaraxyadda lagu xiro gawaaridda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo batay Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay dhowr qof.