Ehelada bukaan ku dhex geeriyooday xabsiga dhexe oo diidan in la aaso meydka wiilkooda

Wararka Maanta

Ehelada Xasan Kurtun ayaa ku eedeeynaya taliyaha xabsiga dhexe in wiilkooda uu u geeriyooday dayacaad uu sababteeda lahaa taliyaha.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Sarreeye Guuto Maxamed Shiikh Xirsiile ayaa lagu eedeeyey in uu Isbitaalka Yardımeli ee Muqdisho kala baxay Xasan Kurtun Calasow oo ahaa bukaan Xabsiga Dhexe ku xanuunsaday kaddibna ay dhakhaatiirta Xabsiga sheegeen in aan wax looga qaban karin Isbitaal ku yaal gudaha xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Qoyska Bukaanka ayaa sheegay in Taliyaha Xabsiga Dhexe oo adeegsanayo awood ciidan uu xoog ku galay Isbitaalka uu bukaanka jiifay, waxayna sheegeen in uu bukaanka ku qaatay mid ka mid ah Gawaarida gargaarka oo laga leeyahay Xabsiga Dhexe, isla markaasna sita Astaanta calaamadda Ciidamada Asluubta Soomaaliya.

Qoyska marxuumka oo muuqaal ka duubayey marka uu taliyaha falkaan sameenayey ayaa muuqaalka ku dhex sheegay waqtigaas inuu taliyaha awood u sheeganayo isla markaasna uu isaga qaadi doono mas’uuliyadda bukaankaan haddii uu dhinto.

Hase yeeshee taliyaha xabsiga dhexe General Xirsiile ayaa sheegay in maxbuus aan lagu hayn karin isbitaal aan ka ahayn kuwa dowlada sidaa awgeedna uu  uga soo saaray isbitaalkii la geeyay marxuumka uuna keenay isbitaal Martini.

Taliyaha ayaa sheegay in markii uu labo maalmood ku jirey isbitaal Martini uuna soo ladnaaday marxuumka balse tii Alle ay u timid markii dambe.

Waxaa socda haatan dadaalo lagu doonayo in qoyska ay oggolaadaan inay aastaan meydka balse arrinta dib dambe loogaga hadlo.

Waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanaya dadka diida in la aaso meydka ilaa laga helo cadaalad sababta keentay geeridiisa. Dhowaan ayaa ehelada sarkaal ka gaaray darajada General ay diideen in la aaso meydka generalka kadib markii sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga uu ku diley gurigiisa dhexdiisa.