Dowladda oo ka digtay in Hubka waa weyn lagu dhex wato Muqdisho

Wararka Maanta

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa Ciidamada Millitariga Soomaaliya ee ka imaanaya Shabeelooyinka uga digay in ay Hubka waa weyn la soo galaan gudaha magaalada, sida Daba-jeexa iyo Qoriga Dhashiikaha.

Wuxuu sheegay arrintan inuu kala hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, wuxuuna Taliyaha soo saaray wareegto ah, marka Ciidamada xoogga imaanayaan Muqdisho in ay fasax ka qabaan isaga.

Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiir Islow inaan loo baahneyn in magaalada ay noqoto furin dagaal oo lagu dhexsito Hubka waa weyn oo shacabka lagu qalqal geliyo, taasi bedelkeedana mgaalada ay noqoto mid ka caagan Hubka.

 “Waxaan rabnaa Millitariga labada Shabeelle marka ay soo galayaan magaalada Muqdisho in magaalada aan lagu wadan doonin Hubka waa weyn sida Daba-jeexa, Cabdi Bilaha iyo Qoryaha kale ee waa weyn.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.17-kii May 2017-kii Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa xadiday Hubka masuuliyiinta Dowladda Federaalka ay ku dhex wadan karaan Magaalada, waxayna sheegeen inaan la qaadan karin Qori ka weyn AK-47, lana wadan karin ilaalo ka badan Afar Askari, taasi oo u muuqata in weli aysan dhaqan galin.