Dood ka dhalatay hadal uu Soomaaliya ka sheegay Madaxweynaha Uganda

Wararka Maanta

Dood ayaa ka dhalatay hadal Saacaddihii lasoo dhaafay baraha bulshadda qabsaday kaasoo ahaa hadal uu Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu ka sheegay Soomaaliya xilli uu ka hadlayay Shir looga hadlaayay Arrimaha Garsoorka oo ka dhacay dalkaasi.

Waxaa uu sheegay  inay jiraan dalal aan dowladnimo ka jirin, isla markaana aan maamul laheyn, Soomaaliya ayuu tusaale u soo qaatay, waxaana uu sheegay in ay jiraan kuwo kale laakiin ay u diideyso dublimaasiyadda.

Hadalka Madaxweynaha ayaa waxaa ka dhalatay Caro, waxaana saacaddihii lasoo dhaafay bulshadda ay Soomaaliyeed ay u muuqdeen kuwo si weyn u Cambaareynaayay hadalka Madaxweynaha Uganda.

Qaar ka mid ah warbaahinta Mucaaradka ee dalka Uganda ayaa sidoo kale si weyn u soo bandhigtay hadalka Madaxweynaha Uganda uu ka sheegay Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamaayay gaf iyo meel ka dhac uu geystay Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka socda Uganda.

Dalka Uganda waa dalkii ugu horeeyey ee ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya March 2007, waa ciidamada ugu badan ee AMISOM ilaa  6,223 oo ciidan.