Diyaaradaha Maraykanka oo Duqeeyey gobolka Bari

Wararka Maanta

Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka geystay gobolka Bari ee maamulka Puntland. Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka duqeynta ayaa ka dhacday degaanka Miraale oo dhanka bari kaga beegan Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland.

Duqeynta ayaa la sheegay in ay geysteen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka, waxaana beegsadeen degaankaasi oo la sheegay in ay ku dagaallamayaan Ciidamada Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka PSF Puntland ayaa sheegay in duqeyn ka dib ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen degaankaasi. Weerarkan ayaa la sheegay in lagu dilay tiro kudhow 10 dagaal yahan oo ka tirsan Alshabaab.

Sidoo kale Kooxda Daacish ayaa todobaadkan weeraray saldhig Alshabaab ku leeyihiin deegaanka Miraale, waxayna sheegeen in ay ku dileen 15 ka tirsan Alshabaab.

kooxaha Alshabaab iyo Daacish ayaa adkeynaya joogitaankooda buuraha gobolka Bari, waxaana halkaas ka socda ugaarsi dagaal oo  u dhaxeeyo Alshabaab, Daacish, Ciidanka PSF iyo Maraykanka.

Maraykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyey sanadkan in ka badan 40 duqeyn, waa sanadkii ugu badnaa weerarada diyaaradaha Maraykanka, Todobaadkan diyaaradaha Maraykanka ayaa 6 duqeeyey deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo sheegay in ay ku dileen 62 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab.