Dhuusa-marreeb:Dibu Dhac ku yimid Dhamaystirka Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid Munaasabadda mideynta iyo dhameystirka heshiiska ay kala saxiixdeen Ahlusuna iyo Galmudug.

Dib u dhacan ayaa la xiriira arrimo farsamo iyo wafuudii la filayay inay magaalada Dhuusamareeb tagaan oo aan wali soo dhameystirmin, kaddib markii ay shalay dib u dhaceen Madaxda qaar ee la sugayay.

Halka Wararka qaarna ay sidoo kale Sheegayaan in Mudaasabaddu ay Waqti qaadan doonto waxaana sababta lagu Sheegay Ahlusunna oo an Wili ku Qanacsanayn ku biirista Galmudug waxayna Xiligaan oo uu dhuusamarreeb ku Sugan yahay Madaxwayne Xaaf ay gabi ahaanba diideen in Calanka la taago Magaalada laguna Qoro Meel Kamid ah Magaca Galmudug Calanka iyo Magaca ayaa kamid ahaa Wax yaabihii horay looga heshiiyay.

Dhamaystirka Heshiiska waxaa la Filayaa Nidaamka Galmudug too uga Shaqeeyo oo ciidanka Ahlusunna ay mesha ka baxaan lana Adeegsado Amison iyo Ciidamo Isku dhaf ah Hasa heeshee Wararka ay Ceelhuur.com helayso waxay Sheegayaan in Kooxda Ahlusunna ay taasi ku Adkaan doonto.

Dhanka kale Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Puntland maanta la sugayo, hase ahaatee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu baajiyay safarkiisa, howlo shaqo oo u yaalla darteed.

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay tagaan Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaan munaasabadda waxan waxaana Macquul ah Maanlinta Biri ah ay Qabsoonto Munaasabaddu.

Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug ayaa ku heshiiyay inay sameystaan awood qeybsi, isla markaana ku midoobaan hal maamuli’ yadoo heshiiska ay gaareen ay Saluugeen qaar kamid beelaha ku midoobay Nidaamka Galmudug. waxaa la filaa hadii Heeshiiskaasi hirgalo in Galmudug ay si rasmi ah ugu soo guuri doonto Caasimadda Dhuusamareeb.

Wararkeena Danbe kala soco wixii kusoo kordha Insha Allah.