Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka jira Waqooyiga Muqdisho

Wararka Maanta

Waxaan soo baxaya faahfaahino la xiriira ciidamo ka tirsan Milatari ah oo diidan muddo kororsiga Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ee Farmaajo oo soo gaaray duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo wata gaadiid faro badan oo kuwa dagaalka ah ayaa isaga soo baxay saldhigyo ay ku sugnaayeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu kula kulmay saraakiisha ciidamadaa horkacaysa isagoo ka dalbaday inay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka.

Ciidamadan oo gadoodkoodu yahay ku saleysan yahay diidmada muddo kordhinta, ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Saraakiisha hoggaamineusa ciidankan ay damacsan yihiin inay warbaahinta la hadlaan.

Ciidamadan oo uu horkacayo Col Saney Cabdulle ayaa lagu wadaa in ay la hadlaan saxaafada iyagoo ku soo bandhigi doonaa sababaha ay ugaga soo baxeen fariisamadoodii.