Dhageyso: Cudurka Jadeecada oo ka dilaacay degmada Docoleey

Arimaha Bulshada Caafimaadka Wararka Galmudug

DSC-7948

Degmada Docoleey ee gobolka Galgaduud ayaa laga soo sheegayaa inuu fara ba’an ku hayo cudurka jadeecada, waxaana qaar ka mid ah  Waxgaradka Degmadaasi oo ay wareysatay idaacada Codka gobolada dhexe ee magaalada Cadaado sheegeen in cudurka Jadeecadu soo ritay dad fara badan gaar ahaan dadka da’doodu ka yar tahay 15 jirka.

Cudurkaan oo markii hore saameeyey degaanada Miyiga ayaa hadda Saameyn ku yeeshay Magaalada Docoleey, iyadoo waxgaradku codsadeen in gurmad loo fidiyo.

Arinta xusidda mudan ayaa ah in Degmada Docoleey oo ah degmo cusub aysan shaqeeney xarumaheeda caafimaad oo dhawaan halkaasi ay ka hirgaliyeen dadka deegaanka, ay xarumahaasi u baahan yihiin xirfadlayaal caafimaad iyo daawooyin.

dhageysi

 

Comments are closed.