Dhageyso: Al-Shabaab oo baahisay magaca iyo beesha uu u dhashay ninkii fuliyay weerarkii Hotel SYL

Wararka Maanta

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay wareysi laga qaaday ninkii fuliyay weerarkii is-miidamainta ahaa ee maalin ka hor lagu qaaday Hotelka SYL ee ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Jaabir C/llaahi Diiriye, sidoo kalena loo yaqaano Shugri waxaa uu u dhashay Beesha Mareexaan,

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Jaabir oo kaxeynayay gaari kuwa xamuulka ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu beegsaday Hotelka SYL.

Jaabir oo 44-jir ah ayaa ku dhashay deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo 1972, waxaa la sheegay inuu howlo kala duwan ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Al-Shabaab ka kooban tahay, isagoo ugu dambeyn ka mid ahaa Guutada is-qarxinta (Istishaahidiga).

Wareysi laga qaaday ka hor inta aanu fulin weerarka ayuu kaga hadlay taariikhdiisa iyo sida uu doonayo inuu weerarka uu qaadayo u fuliyo.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay baahinaya magacyada iyo qabiilka ay u ka soo jeedaan dadka fuliya weerarada is qarxinta.

Weerarkii is qarxinta ahaa ee Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka SYL ayaa ka mid ahaa weeraradii ugu xoogganaa ee soo mara magaalada Muqdisho.

Tagged

Comments are closed.