Dagaalka Koofurta gobolka Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo daraawiishta Galmudug ayaa saaka barqadii dagaal ku qaaday fadhiisimo ay Ururka Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Qodqod oo u dhaxeeya Sirgo iyo Camaara koofurta gobolka Mudug, Ciidamada ayaa duhurkii la wareegay difaacyadii ay Alshabaab ku lahaayeen halkaas.

Ujeedada Gulufka ayaa ahaa sidii Ciidamada isgarabsanaya ula wareegi lahaayeen Magaalada Camaara oo ah magaalo muhiim ah, Alshabaab ayaa la sheegayaa in ay ku sugan yihiin deegaanka Qoriley oo u dhow Korodhi iyo magaalada Camaara.

Dagaalka ayaa dhinaca Ciidamada DFS iyo Galmudug waxaa uga dhaawacmay 6 Askari, halka khasaaraha dhanka Alshabaab aan tiro sax ah laga heyn.

Dhanka kale ciidamadii shalay la wareegay Bacaadweyne ayaa wali halkaas ku sugan, iyada oo la filayey in ciidankaas maanta weeraraan difaacyada Alshabaab ay ku leeyihiin inta u dhaxeysa Bacaadweyne iyo Camaara.

Alshabaab ayaa laba jiho ka difaacaya Camaara (dhanka deegaanka Qeycad oo Bacaadweyne u dhow iyo dhanka wadada Qodqod iyo Korodhi).

Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda Koofurta Gobolka Mudug ayaa galay marxalad adag, waxaana Ciidamada DFS iyo Galmudug xoogga saarayaan in ay la wareegaan Camaara.