Dab Sababay Khasaare Hantiyadeed Oo Maanta Ka Kacay Suuqa Laas-caano (Dhageyso)

Wararka Maanta

Wararka Ka Imaanaya Magaalada Laas-Caano Ee Gobolka Sool Ayaa Waxa Ay Kusoo Warramayaan In Maanta Abaara Salaadii Jimcaha Uu Dab Xooggan Ka Kacay Bartamaha Suuqa Weyn Ee Magaaladaasi.

Dabka Ayaa Waxa Uu Saameeyeey Illaa Iyo Labaatan Mahradood Oo Ku Yaal Guadaha Suuqa Laas-Caano Waxa Uuna Dabku Si Aad U Ah Saameeyey Afar Illaa Iyo Shan Mehradood Sida Ay Noo Xaqiijiyeen Saraakiil ka Tirsan Kooxda Dam-Demiska Ah Ee Magaaladaasi.

Wararku Waxa Ay Sheegayaan In Aysan Jirin Khasaare Nafeed Oo ka Dhashay Dabka balse Uu dhaliyey Khasaare Hantiyadeed Oo Fudud.

Guddoomiyaha Kooxda Dam-demiska Ee Magaalada Laas-Caano Aadan Mubaarik xareed Oo la hadlay Ceelhuur.com ayaa Sheegay In Ku guuleysteen Daminta Dabkaasi Mana Shaacin Guddoomiyaha Waxa Sababay Dabkaan.

Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Laas-caano Ayuu Sheegay In Ay Kusoo War-geliyeen Kooxda Dam-demiska Xiili Ay Ku Sugnaayeen xaruntooda Waxa uuna Shacabka Kaga Mahadceliyey Sida Wanaagsan Oo Ay Ula Shaqeynayaan Kooxda dam-demiska Laas-Caano.

Dabkaan ayaa Maanta Abaaro Salaadii Jimcaha Waxa Uu Ka Kacay Bartamaha Suuqa Weyn Ee Magaalada Laas-Caano Mana Cadda Waxa sababay In Uu Kaco dabkaan Wallow Ciidanka Booliska Ay Weli Wadaan Baaritaano Arrinkaasi Ku Aadan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Kooxda Dam-demiska Laas-Caano:-