Daawo: Galmudug oo soo bandhigtay Maxaabiis ay Sheegeen in ay ku qabteen dagaalkii Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Saraakiisha ciidamada Dowlad goboleedka Galmudug ayaa shalay ku soo bandhigay Magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug 3 nin oo ay ku sheegeen in ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay Magaalada Galkacyo.

Raggan la qabtay oo saxaafadda loo soo bandhigay ayaa laba ka mid ah diideen in ay hadlaan, halka mid ka mid ah ka sheekeeyey halkii uu ka yimid, isagoo sheegay in uu ka yimid magaalada Kismaayo, uuna ka tirsan yahay ciidanka maamulka Jubbaland, inkasta oo maamulka jubbaland iska fogeeyeen in ay ku lug leeyihiin colaadda Galkacyo.

hadaba halkaan ka daawo muuqaalka

Tagged

Comments are closed.