Deegaanka Xeraale gobolka Galgaduud oo dhawaanahaan colaad ka taagneyd ayaa maanta waxaa dagaal culus ku dhex maray ciidamada deegaanka iyo ciidamada Ahlu sunno.
Dagaal ayaa dhowr jeer dhacay, waxaana galabta dhacay dagaalkii ugu cuslaa, ciidamada Ahlu sunna weerar celis ah soo qaadeen, waxaana dagaalka ka dhashay khasaare farabadan oo soo gaaray dhinacyadii halkaas ku dagaalamayey.
Inta la xaqiijiyey in ka badan 10 ruux ayaa ku nafwaayey dagaalka, halka dhaawacu ku dhow yahay 30, labada dhinac. Dhaawacyada ayaa la geeyey magaalooyinka Cadaado, Guriceel, Cabudwaaq iyo Dhuusomareeb.
Ilo lagu kalsoon ayaa inoo xaqiijiyey in Ahlu sunna ayaa dagaalka looga qabta 2 nin oo dhaawac ah, inkasto mid ka mid ah dhaawaca u dhintay, halkii kii kale la geeyey Cadaado, inkastoo markii dambe eheladiisu u qaadeen dhanka Guriceel.
Dagaalka ayaa la isku gabal dhacsaday, waxaana muuqata inuu la isku ciidan dhuranayo, maamulka Galmudug wali kama hadlin dirirtaan cusub. Dadka deegaanka ayaa horey uga barakacay magaalada, waxaana ay ku dhibaateysan yihiin duleedada magaalada.
Colaadda Xeraale ayaa u muuqata mowjad culus ay dhex gashay Ahlu sunna, iyadoo inta badan dadka kasoo horjeedaa ay horey u taageersanaayey ururka Ahlu sunna.