Daawo: Booliska Cadaado oo soo badbaadiyey Cunug yar oo Qashin lagu dhextuuray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada Booliska degmada Cadaado ayaa soo badbaadiyey cunug yar oo xalay lagu tuuray goob qashin ah xaafad ka mid magaalada Cadaado, dadka xaafada ayaa saaka aroortii ciidanka booliska ku soo wargaliyey cunugan, waxaana dabagal ay sameeyeen ciidamadu ku guuleysteen in ay soo qabtaan hooyadii dhashay cunugan iyo dad kale oo  falkan ku lug lahaa.

Taliye ku xigeenka Booliska Cadaado Dhamme Cumar Macalin cali oo saxaafadda kula hadlay saldhigga degmada Cadaado ayaa sheegay in falkaan uu yahay mid ku cusub deegaanka, ciidanka oo kaashanaya bulshada ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan haweeyneydii dhashay cunugan iyo dad caawiyey falkaan, ciidamada ayaa sheegay in cunugga yarka ah ay xaanaynayaan ciidamada Booliska, iyagoo ka codsaday in bulshada Soomaaliyeed ay ka caawiyaan xanaanaynta cunugan yar.

Dhanka kale Dhamme Cumar ayaa sheegay in hooyada iyo dadka kale ee falkan ku eedeysan ay u gudbinayaan Maxkamadda si ay go’aan uga gaarto dacwadda.

 

boolis-cunug boolis-cunug1 boolis-cunug2 boolis-cunug3 boolis-cunug5