Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay Dhuusomareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa magaaladaasi ay intoo badneyd isaga baxeen.

Ciidamada oo wata gawaari xambaarsan taangiyo iyo gawaari ciidan oo kale ayaa dhaafay degmada Guriceel, waxaana u gudbeen dhanka xadka itoobiya.

Ciidamad Itoobiya ayaa horey uga baxay degmada Ceelbuur oo ay muddo saddex sano ah heysteen, Dhuusamareeb ayaa waxaa ku haray ciidan aan badneyn oo itoobiyaan kuwaas oo la filayo inay beri halkaas ka ruqaansadaan.

Ciidamada itoobiya ayaa magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ku lahaa saldhigyo ciidan oo waaweyn, waxaana la filayaa in ay dhawaan faarujiyaan fariisamahooda gobolka Galgaduud.

Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 30 kun oo Askari, ciidabkaas oo aan ka madaxbanaan howlgalka AMISOM.

ka bixitaankooda magaalooyinka muhiimka Ah aya imaanaya xili madaxweyne Farmaajo uu iclaamiyey dagaal Alshabab ka dhan Ah .