Afgooye:Nin Ganacsade ah oo xalay la Dilay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab dilkaan ay fuliyeen. Dilka ayaa waxaa loo gaystay nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Abuukar Qaasim Mayow (Tushiiba), laakiin Shabaab oo dilkaan sheegtay ayaa waxa ay sheegeen inay dileen askari.  […]

Continue Reading

Muqdisho:Qarax Qasaare gaystay oo ka dhacay Wadada Warshadaha

Wararka inaga soo gaaraya agagaarka Haanta dheer ee Degmada Dayniile, gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Militariga Somaliya ayaa goor dhaw waxaa halkaasi lagula eegtay qarax miino. Saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaasi miinada ah ee ciidamada lala eegtay. Dadka deegaanka ayaa shegay gaarigaan oo noociisa uu […]

Continue Reading

Dagaal Culus oo dhexmaray Kenya iyo Alshabaab

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa ka hadlay weerar ka dhacay inta u dhaxeyso magaalada Mandheera iyo degmada Lamu ee dalka Kenya. Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weerareen kolonyo ay la socdeen ciidamadooda oo halkaasi marayay. Mid kamid ah ciidamada Kenya ayaa ku dhintay weerarka, […]

Continue Reading

Amisom oo La wareegaysa Amniga Dhuusa-mareeb

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ku wajahan yihiin ciidamo ka socdo AMISOM. Ciidamada ayaa waxay xaqiijin doonaan amaanka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, oo la filayo inay tagaan wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya. Walow aanan la ogeyn dalka ay ka socdaan ciidamada ayaa haddana waxaa […]

Continue Reading

Daawo Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ah oo Cadaado soo gaaray

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Magaalada Cadaado xarunta kumeelgaarka Galmudug, Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey Wasiiru dowlaha Howlaha Guud DFS Axmed Cabdi Kaariye, waxaana wafdigan ka mid ahaa Senator Yuusuf Dhagey, Xildhibaan Abtidon yare, Xildhibaan Joodax iyo Xildhibaan Maryan Cabdi Geedi. waxaan si diiran u soo dhaweeyey bulshada Cadaado. halkaan ka […]

Continue Reading

Duqa Muqdisho oo ka hadlay Jiritaanka Khilaaf kala dhexeeya Khayre iyo jawaabta10 Su’aalood oo Xasaasi ah

Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa iftiimiyay dhowr waxyaabood oo shaki laga qabay maalmihii lasoo dhaafay, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyay TV-ga Horn Cable. Taabit oo ah siyaasi dhalinyaro ah ayaa noqday mid ka mid ah hogaamiyaasha loogu jecel yahay Somalia xiligaan, waxaa jiray guux xoogan oo ku aadan maqaamka caasimadda oo soo […]

Continue Reading

Xog:Imisa Magaalo oo Galmudug ah ayuu MD/Farmaajo Booqan Doona?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahaan socdaal ku maraya gobolo ka tirsan dalka ayaa laga sugayaa deegaanada Galmudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaal dhulka ah ku tagay magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, waxaana la filayaa inuu tago magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Waxaana Maanta la qorsheynayaa inuu kaga sii gudbaa deegaanada Galmudug oo diyaar garow xoogan […]

Continue Reading

Deg Deg:Qarax Ka Dhacay Qansaxdheere oo Qasaare gaystay

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ka dhacay Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay. Miinadan ayaa la sheegay in ay ku aasneyd Koontarool ay ciidamada K/galbeed ku lahaayeen degmadaasi, iyadoo halkaasi khasaare kala duwan uu ka dhashay. Waxaa la xaqiijiyay dhaawaca 3 ka mid ah ciidamadii halkaasi ku sugnaa, iyadoo khasaaraha uu […]

Continue Reading

Somaliland:Wasiir hore oo Beeraleyda ku biiray

Cumar Shuceyb Maxamed Wasiirkii hore ee ganacsiga Xukuumadii Siilaanyo, ayaa wuxuu ka mid noqday beeralayda wax soo saarka kala duwan ka sameeya beeraha deeganada Somaliland. Cumar Shuceyb ayaa deegaanka Sheelane oo 37-KM u jirta Magaalada Berbera wuxuu ku tacbadaa beer wayn oo halkaasi ku taalo, beertaasi oo wax soo saar kala gedisan laga sameeyo. Wasiirkii […]

Continue Reading

Trump oo laga Dalbaday inuu ka laabto Gafkii uu ka galay Africa

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump inuu ka laabto hadal gaf ahaa oo la sheegay inuu u adeegsaday wadammada Afrika islamarkaana uu raaligelin hadalkaasi ka bixiyo. Bayaan si adag loo soo qoray ayuu Midowga Afrika ku muujiyay sida uu uga caraysan yahay hadallada la sheegay, kuwaas oo sharaf dil ku ah qadarinta Mareykanka […]

Continue Reading