Home > Wararka Maanta > Bixinta baasaboorka soomaaliga ah oo mudo todobaad ah la hakiyay

Bixinta baasaboorka soomaaliga ah oo mudo todobaad ah la hakiyay

Wararka Maanta

 

War qoraal ah oo ka soo baxay Hey’adda ayaa lagu sheegay in howlo farsamo iyo horumarin oo ka socda habka baasaboorka awgood hakad la geliyay howshii baasaboorada, laga bilaabo 27-ka bishan illaa 2-da bisha Febraayo.

“Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in laga bilaabo Jannaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febaraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka”ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma ahan markii u horeysay ee Hey’adda soo saarto wargelin la xiriira howlaha baasaboorka, waxaana sidan oo kale sanado ka hore Hey’adda soo saartay in muddo kooban la hakiyay howsha bixinta baasaboorka howlo farsamo awgeed, iyadoo markii dambe dib loo bilaabay.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay horumarin ku waday howlaha baasabooryada iyo adeegyada kala duwan ee shacabka loo haayo, waxaana la fududeeyay helista baasaboorada oo markii hore Muqdisho loo imaan jiray, balse Gobolada dalka, gaar ahaan caasimadaha dowlad goboleedyada laga furay Xafiisyo lagu qabto codsiyada baasaboorka.

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!