Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusomareeb si uu uga qayb galo Xaflada lagu soo gabagabaynayo Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu u baajiyay safarkaas shaqooyin muhiim ah oo uu ka qabanayo Xarunta KMG ah ee Kismaayo iyo Safaro uu ku tagayo Magaalooyin kale oo Jubbaland kamid ah.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in uu soo dhawaynayo dhamaystirka heshiiska ahlusuna iyo Galmudug oo uu rajaynayo in ay dhabaha u xaarto daganan Siyaasadeed iyo Hormarka Gobolka oo sii socda.
Waa Madaxweynihii labaad ee ka baaqda Shirka Beri ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb, horey ayaa maanta waxaa u baaqday Madaxweynaha Puntland oo la filay inuu ka qeybgalo shirkaas.