Maxay ka wada hadleen Fahad Yaasiin iyo Cabdikariim Guuleed?

Maxay ka wada hadleen #Fahad_Yaasiin iyo #Abdikariim_Guuleed? (Wadahal qarsoodi ah oo dhexmaray #Damu_jadiid iyo DFS) Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Muxamed Cabdullahi Farmaajo oo beryahaan la daalaa-dhaceysa culeysyo Siyaasadeed ayaa bilowday inay wadahadal hoose la gasho kooxda ugu miisaanka culus Saaxada Siyaasadeed ee Dalka Somalia. Sida warar la xaqiijiyay ay sheegayaan Agaasimaha Madaxtooyada Somalia #Fahad_Yaasiin […]

Continue Reading

Akhriso: Maxkamadda Racfaanka oo go’aan ka gaartay kiiska C/raxmaan C/Shakuur

Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa burisay go’aankii uu garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir uu ka gaaray dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamaddaasi oo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur sida ay BBC-da u sheegeen ilo ku dhaw dhaw maxkamadda racfaanka. Maxkamadda racfaanka […]

Continue Reading

Al-Shabaab oo 5 Nin ku toogtay Kuntuwaarey (Akhriso Magacyada)

Al-Shabaab ayaa 5 dhalinyaro ah ku toogtay fagaare ku yaala degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabellaha hoose, Alshabaab ayaa ku eedeeyey ragga la toogtay  inay ahaayeen jawaasiis.  waxayna sheegeen in ay  la shaqeynayeen, Dowladda Somaliya, Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada Kenya ee dalka ku sugan. Al Shabaab ayaa shalay gabal dhicii isugu yeeray dadka degaanka oo u […]

Continue Reading

Sawirro: Sahanka Mashruuca dhismaha Garoomada iyo wadooyinka Galmudug oo bilowday

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Gadiidka cirka iyo dhulka dowlad goboleedka Galmudug Cabdulaahi Cali Maxamed ayaa gaaray degmada Hobyo, waxaana wasiirka safarkiisa ku wehliya Xildhibaan Xasan Cabdullaahi Cascaseey iyo injineero sahminaya mashruuca dhismaha garoomada iyo wadooyinka Galmudug. Injineerada ayaa safarkoodka ka soo bilaabay Magaalada Guriceel, iyagoo maray Dhuusamareeb, Cadaado, Galkacyo iyo Hobyo, waxaana la filayaa in […]

Continue Reading

Dhageyso: Galmudug oo Canshuur ku soo rogtay Qaadka

Wasiirka Maaliyadda dowlad goboleedka Galmdug Siciid Siyaad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay canshuur ka qaadayaan qaadka la keeno deegaanada Galmudug, wasiirka ayaa intaa ku daray in 2.5$ ay ka qaadayaan 1 kiilo. isagoo 7 maalmood u qabtay in ay isku diiwaan galiyaan ganacsatada Qaadka keena. Wuxuu sidoo kale sheegay in waqtiga loo […]

Continue Reading

Askar lagu dilay Xalay Magaalada Muqdisho

Dilal qorsheysan ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho , Degmada Waaberi  ayaa xalay lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada Booliska, waxaana la sheegay in ay dilka fuliyeen dhaliyaro wadatay bistoolado, dilka kadib raggii hubaysnaa ayaa meesha ka baxsaday, iyadoo ciidamada NISA ay tageen goobta markii dambe, halkaasi oo ay ka qab qabteen tiro dhalinyaro ah. Sidoo […]

Continue Reading

Sawirro: Saraakiil Shabaab ka tirsanaa oo isku dhiibay KoofurGalbeed

Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay waxaa iska dhiibay laba sarkaal oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow Maxamed. Raggan oo Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka ayaa waxa ay ku sugan yihiin xarunta degmada, waxaana gacanta ku haya Guddoomiyaha degmada Buurhakaba iyo saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed. Afhayeenka Maamulka […]

Continue Reading

Alshabaab oo xalay weeraray Bar kontarool gobolka Sh/dhexe.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar kedis ah ku qaaday bar kontarool oo ku taal meel u dhexeysa degmada Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/dhexe. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in iskahorimaad hubeysan uu dhex maray ciidamo ku sugnaa barta koontarool iyo kooxdii soo weerartay ayna ka dhasheen qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. […]

Continue Reading