Al-shabaab weerar ka geysatay gudaha Kenya

Wararka Maanta

Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Daba oo u dhaxeysay magaalooyinka Ceel-Waaq iyo Kutulo ayagoo maleeshiyaadka la sheegaya in ay burburiyeen taawaradii isgaarsiinta ee deegaankaas.

Wararka ayaa sidoo kale intaa ku daray in dhismiyaal halkaas ku yaalay dab qabadsiiyeen waxaana kamid ah goobaha la gubay hoolkii shirarka magaalada iyo goobo kale.

Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo weerarkaas ka dhashay.

Al-shabaab ayaa weeraro isdaba joog ah ka qeysata gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Beri oo ay degaan dadka Soomaalida ah ee Kenyanka ah.