Al-shabaab oo Sheegtay in 27 Askari ku Dileen Weerarka General Kaahiye

Wararka Maanta

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Qaraxa Ismiidaaminta ee saakay aroortii ka dhacay Barxada General Kaahiye degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Qof watay Jaakad ay ka buuxeen walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay barxada Iskool Plozia oo ay subixii ku tababartaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo isku diyaarinayay xuska aasaaska Ciidanka Booliska oo 20-ka December ku aadan.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay ku faafiyaan wararkooda waxa ay ku sheegeen nin iyaga ka tirsanaa inuu qarax la beegsaday ciidamo Boolis ah xilli ay safaf dhaadheer ku jireen gudaha xerada.

Shabaab ayaa sheegtay inay dileen 27 ruux oo Saraakiil ciidan iyo askar isugu jirtay, kuwaasi oo ku jiray Safka ciidanka, markii qaraxa Ismiidaaminta ah uu dhacaayay.

Sheegashada Shabaab ka sokow ma jirto ilo ka madax banana Shabaab oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dhimashada iyo dhaawaca weerarka ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Xerada Generaal Kaahiye.

Saraakiil Booliska ka tirsan ayaa siyaabo kala duwan u shegay in dhimashada suuragal ay tahay inay ka badato 10 askari.