Al-Shabaab oo Gooyay isgaarsiintii gobolka Waqooyi Bari Kenya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Taliyaha booliska Wajeer Stephen Ngetich ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan ay gantaal ku dhifteen dhismaha Laanta Sharikadda Safaricom ee Magaalada Katulo halkaas ay ku burburtay anteenadii ay lahayd shirkadaas.

Ngetich ayaa sheegay in weerar ay ku soo qaadeen magaalada Katulo shalay Al-shabaab aysan waxyeelo ka soo gaarin ciidamada iyo dadka rayidka ahba.

Weerarkan ayuu sheegay in uu dhacay Axaddii ayadoo Ciidamada Amaanka ee fadhigoodu yahay Ceelwaaq iyo Kuwa Katulo uu xiriirkooda go’ay muddo kooban haseyeeshee markii dambe la adeegsaday isgaarsiinta dowladda u gaarka ah.

Stephen Ngetich,waxaa uu xusay in aysan oggolaaneyn in Nabadda iyo amniga Wajeer oo uu sheegay in uu hadda wanaagsan yahay aan la caqabadeyn karin ayna ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarrada Al-shabab ee degaankaas.

Weerarkan lagu qaaday Katulo ayaa imanaya shan maalmood kadib markii weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidamo ku sugnaa Ceel-Waaq lagu diley shan kamid ah isla markaana lagu gubay gaari ay ciidamada lahaayeen.