Akhriso: Galmudug iyo Puntland oo heshiis hordhac ka gaaray Colaadii Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida maanta lagu daabacay bogga ay internetka ku leedahay wasaaaradda arimaha dibadda dalka itoobiya Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug iyo Puntland ayaa heshiis hordhac ah ka gaaray colaada ka aloosan magaalada Galkacyo oo ay ku barakaceen dad ka badan 50,000 qof sida ay sheegtay hay’adda UNHCR.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in labada maamul ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin :

  1.  in labada maamul fuliyaan Xabad joojin shuruud la’aan ah.
  2. in la joojiyo dhismaha saylada xoolaha ee Puntland dhisaysay, taas oo colaadu ka dhalatay.
  3. in la ogolaado in garoonka diyaaradaha Galmudug howshiisa wato.
  4. Sameynt guddi  wasiiro isku dhaf ah oo arintan uga wada hadla magaalada Muqdisho.

Galmudug iyo Puntland ayaa sanadkii hore dabayaaqadiisii sidan oo kale ku dagaalmay magaalada Galkacyo.

halkaan ka aqriso warbixinta oo ingiriisi ah

http://www.mfa.gov.et/web/guest/-/a-new-peace-agreement-between-puntland-and-galmudug

Comments are closed.