Ahlu Sunna oo qaadatay qalabkii Radio Galgaduud Xarunta Guriceel

Wararka Galmudug Wararka Maanta

fb_img_1479194719675

Ciidamada Amniga Maamulka Ahlu sunna ayaa xalay xiray Radio Galgaduud xarunteeda Guriceel, waxayna Ciidamada gudaha u galeen Xarunta Idaacada xilli ay hawada ku jirtay.

Ciidamada waxa ay qaateen Fmta Idaacadda iyo qalab kale lamana oga sababta rasmiga ee ka danbeysa.

Maamulka Radio Galgaduud ayaa sheegay kala hadli doonaan Masuuliyiinta Maamulka madaama uu jiray heshiis horey ay ugu wada shaqeynayeen Maamulka iyo Wariyaasha Guriceel iyo Dhusomareeb ka shaqeeya kaas oo hadda dhanka Maamulka ka jabay madaama heshiiskaas uu ku jiray qodob ah in aan awood lagu xiri karin Idaacad iyo Wariye ee loo keeno Warqad ay ogyihiin qaybta Garsoorka iyo Warfaafinta Maamulka Ahlu Sunna.

Comments are closed.