Agaasimihii hore ee madaxtooyada hirshabeele oo Al-shabaab isku dhiibay

Wararka Maanta

Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalka iyo codka mid ka mid ah Agaasimayaashii hore ee Madaxtooyada Hirshabelle oo isu soo dhiibay.

Xasan Cumar Axmed “Xasan Mahdi” oo dhowr bilood ka hor laga qaaday xilka agaasimaha madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu soo bandhigay warbaahinta taageerta Al-Shabaab.
Warbaahinta ayaa xustay in Xasan Mahdi uu ku sugan yahay xarunta walaayada gobolka Hiiraan oo ah Buqda Caqable.

Xasan Mahdi ayaa sheegay in muddo saddex bilood ahaa agaasimaha madaxtooyada Hirshabelle haatana isaga baxay siyaasadda.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabelle oo ku saabsan Agaasimahii hore ee Hirshabelle Xasan Mahdi oo isu dhiibay Al-Shabaab.