Taliyihii Guutada 3aad ee ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) ayaa goor dhow ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegayaan wararka qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday gaari uu la socday Taliyaha oo marayay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Taliye Goobaanle iyo ilaalo la socotay ay ku dhinteen qaraxaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Jen. Goobaanle ayaa hoggaaminayay Guutada 3aad ee ciidanka xoogga dalka, kuwaasoo ka howl galayay Gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxaa uu horay uga qeyb qaatay howl gallo Al-Shabaab loogaga saaray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararka dambe ee ceelhuur.net
Comments are closed.