Dowlad oo joojisay in Maamul goboleedyada Heshiis caalami ah galaan

Wararka Maanta

Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegtay inay soo gabagabeysay qorshe maamul-goboleedyada dalka u diidaya inay heshiis la galaan hay’ado caalami ah iyagoon fasax ka haysan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasaaradiisa ay haatan diyaarisay qorshe ay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya  ugula wareegayso Midowga Yurub iyo ururada deeqaha bixiya gargaarka Soomaaliya loogu talagalay, islamarkaana meesha laga saari doono in maamul goboleedyadda ay heshiis la galaan Dowladdo shisheeye.

“Maamulkii Hormarinta qaranka iyo Maamulkii bixinta Mashaariicda waxay kusoo wareegeen Wasaaradda  Qorshaynta, Maalgashiga & Horumarinta DhaqaalahaXukuumadda Federaalka Soomaaliya, ma jiri doono Maamul gaar ah in uu heshiis la galo Dowladdo Shisheeye, qeybta ay xaqa u leeyihiin Maamul goboleedyada waa la siin doonaa”, ayuu yiri wasiir Jamaal.

Qaar kamid ah maamul goboleedyadda dalka ka jira ayaa horey heshiisyo ula galay Dowladda Shisheeye, waxaana ugu dambeeyay heshiiskii  Puntland ay  dhawaan la gashay shirkad laga leeyahay Dalka isutaga Imaaraadka carabta, taasi oo dib u habeyn ku sameyn doonta Dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.