AKHRISO: Jadwalka Caleemo Saarka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Wararka Maanta

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidanka Cirka Afasiyooni ee Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhaceysa Munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Munaasabada Caleemo Saarka ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa deriska la’ah Soomaaliya, Xubnaha Beesha Caalamka, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaar, Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Dalka Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo marti sharaf kale.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO JADWALKA XAFLADA CALEEMO SAARKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA.

6:00 – 10:30 soo gelitaanka Martida

10:30 il 11:30 Madadaalo iyo suugaan

11:30 – 11:45 Furitaanka iyo kulamadda guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ahna wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte.

11:45 – 11:50: Aayadaha Qur’aanka Kariimka

11:50 – 12:10 Kalmadaha Wakiilka Qaramada Midoobay, xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Macheal Keating.

12:10 – 12:30: Kalmada Wakiilka MIdowga Africa Francisco Madeira

12:30 – 12:50: Kalmadda Jabuuti: Mudane Ismaaciil Cumar Gelle

12:50 – 1:10: Kalmada Itoobiya: Hailemariam Desalegn Boshe

1:10 – 1:30: Kalmada Dowladda Kenya: Mudane Uhura Kenyatta.

1:30 – 1:50: Qudbadda Madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud

1:50 – 2:20: Qudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.