Ahlusunna oo kala qaaday Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Gobolka Hiiraan

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maamula Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ayaa ku Guuleystay in ay kala qaadaan Maleeshiyaadkii ku dagaalamayay Degaanka Baanyaaleey ee Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Madaxa Warfaafinta Ahlusunna Muxuyadiin Cali Jimcaale Jakuula oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay kala qaadeen Maleeshiyaadkii Dagaalamay islamarkaana ay kal durjiyeen illaa 10 KM.

Sidoo kale Madaxa Warfaafinta Ahlusunna ayaa sheegay in Goobtaasi ay ka qaadeen Meydadka Lix Qof oo ku dhintay Dagaalkii ka dhacay halkaas islamarkaana lagu Wareejiyay Ehelkooda si loo aaso.