Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira dalka ayaa soo bandhigay mowqifkiisa ku aadan jawaabta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka bixisay go’aankii kasoo baxay Dowladda Kenya.
Qoraal kasoo baxay Xisbigaas oo uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ee Wadajir ayaa lagu sheegay in Xisbiga uu Dowladda federaalka Soomaaliya ku garab taagan yahay ilaalinta wadajirka, midnimada xuduudaha dhulka iyo madax banaanida intaba.
Dhinaca kale Xisbiga Wadajir ayaa dowladda Kenya ka dalbaday inay adkeyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,sidoo kalena ay ilaaliso deris wanaaga ka dhaxeeya.
Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen inay dhankeeda wadatashi geliso arrimaha ku saabsan masiirka Ummadda Soomaaliyeed si mowqifka la wada qaato uu u noqdo mid kalsooni gelin kara Shacabka Soomaaliyeed.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaaadeedka Xisbiga Wadajir.