Xaqiiqooyinka Dastuurka cusub ee Galmudug Qeybta 5-aad

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Cutubka Afarad.

Hay’adaha iyo Guddiyada Dowladda ee Madaxabannaan.

Qodobka 78aad.

Hay’adaha Dowladda ee Madaxabannaan.

1) Hay’adaha Dowladda ee Madaxabanaan ee DGGM waa:

a) Xeer-ilaalinta Guud ee DGGM;

b) Hanti-dhowrka Guud ee DGGM;

c) Xisaabiyaha Guud ee DGGM;

d) Gudiga Shaqaalahahaa Rayidka ee DGGM.

2) Awoodda, xilalka iyo waajibaadka hay’adaha dowladda ee kor ku xusan waxaa nidaaminaya Xeerar gaar ah.

Qodobka 79aad.

Guddiyada Madaxabanaan.

1) Guddiyada madaxabanaan ee DGGM waa hay’ado ka madaxbanaan xukuumadda oo aan xakameyn siyaasadeed iyo faragalin lagu sameyn karin, awoodna u leh in ay u adeegsadaan aqoon iyo xirfad howlaha loo idmaday.

2) Guddiyada madaxabanaan ee DGGM marka ay waajibaadkooda gudanayaan waa in ay u feejig-naadaan tixgalinta xuquuqda aadanaha, dimoqoraaddiyada, isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta.

3) Miisaaniyadda Guddiyada madaxabanaan ee DGGM waxay ka muuqanaysaa madax gooni u ah oo ku lifaaqan miisaaniyada DGGM;

4) Guddiyada madaxabanaan ee DGGM waxa ay kala yihiin: a. Guddiga Adeega Garsoorka; b. Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa; c. Guddiga Doorashooyinka; d. Guddiga Xuquuqda Aadanaha; iyo e. Guddiga Amniga.

5) Guddiyada madaxabannaan waxaa soo qaddimeysa Xukuumadda DGGM, waxaana codka kalsoonida siinaya Golaha Xeer-dejinta DGGM. 6) DGGM waxay ka soo saareysaa Xeerar qeexeya hannaanka loo dhisayo guddiyada kor ku xusan, awoodahooda iyo waajibaadkooda shaqo. 7) DGGM waa in ay guddiyada madaxabanaan ee dastuuriga ah ku dhistaa muddo 12 bilood gudahooda kaddib maalinta la ansaxiyo Xukuumadda.

CUTUBKA 5-AAD. QODOBO QUBANE AH.

Qodobka 80-aad .

Dhaqaalaha DGGM.

1) Si loo xaqiijiyo kobcinta waxsoosaarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha gobolka, DGGM waxuu dejinayaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed, hantida guud, hantida iyo maalgelinta shisheeyaha.

2) lyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaalahu noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan, si aanay u balaaran farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, wuxuu maamulku xaqiijinayaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.

3) Maalgelinta shisheeyaha ee dalka gudahiisa, waxaa nadaaminaya xeer gaar ah oo uu soo saaro Golaha Xeer-dejinta DGGM kaasoo damaanad-qaadaya.

4) Maamulku waa inuu dhiirigeliyaa, gacansiiyaa, suurtageliyaa maalgelinta shisheeyaha iyo kuwa wadaniga ah.

5) Wax soo saarayaasha yaryar iyo iskaashatooyinku waxay yeelanyaan mudnaan gaar ah.

6) Dowladu waxay ilaalinaysa awooda wax-gadashada dadweynaha gaar ahaan kuwa dan yarta ah.

Qodobka 81aad.

Ciidamada Nabadgelyada DGGM

a) DGGM waxa ay yeelaneysaa ciidamo nabadgalyo oo kala ah:

a) Booliska iyo daraawiish;

b) Nabad-sugidda;

c) Ciidanka Asluubta;

b) Xeer gaar ah ayaa laga soo saarayaa qaab-dhismeedka iyo waajibaadka ciidan kasta gudanayo.

Qodobka 82aad.

Xiriirka DGGM iyo JFS.

DGGM iyo Dawladda Federalka waxay ka wada-xaajoondoonaan awood qeybsiga labada dowlo iyo ku heshiinta qeybsiga kheyraadka dalka.

La soco Qeybta 6-aad

Waxaa Diyaariyey : Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Guud Ceelhuur.com