Wasiir Juxa Iyo Wafdi uu hor kacayo oo u kuurgalaya Xiisada Baled-Xaawo.

Wararka Maanta

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa , Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Senataro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo Shalay Galinkii Danbe Gaaray Demooyinka Doolay iyo Baledxaawo ayaa xalay kulamo la qaatay mas’uuliyiinta iyo shacabka Beledxaawo.

Kulamadan ayaa looga hadlay xiisad ka taagan Beledxaawo ee u dhaxeysa Ciidamada Dowladda Kenya iyo Shacabka Beledxaawo.

Xiisada ayaa ku bilaabatay kadib markii ay dowladda Kenya bilowday in ay darbi ka dhisato soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.

Shacabka ayaa masuuliyiinta ay la kulmeen waxa ay warbixin ka siiyeen xaalada Beledxaawo iyo dhibaatoooyinka ay kala kulmaan Ciidamada Dowladda Kenya.

Qubarada iyo masuuliyiinta dowladda dhexe iyo Jubbaland ka socday ayaa waxa ay koormeereen goobta darbiga dowladda Kenya ka dhiseyso.

Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha guddiga Diifaaca ee golaha shacabka ayaa sheegay in marka ay yimaadaan magaalada Muqdisho ay soo saarayaan warbixin ay kaga hadlayaan.