Wararkii ugu dambeeyey Khilaafka Madaxda Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa gaaray heer ay adag tahay in wax laga qabto, Xildhinaado u badan kuwa Ahlu Sunna oo ku sugan Dusmareeb ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Cali Gacal Casir oo ah gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug. arintaas oo ay gadaal ka riixayeen Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda Ahlu Sunna.

Dhanka kale Waxaa  ka socda Magaalada Cadaado diyaargarow soo dhaweynta Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal iyo xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug oo beri subax ka imaanaya Muqdisho, Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi ayaa isna imaanaya Cadaado, isagoo kasoo kicitamaya degmada Cabudwaaq oo uu maalmahaan ku sugnaa.

Cali Gacal ayaa la filayaa inuu shir gudoomiyo fadhiyada Barlamaanka oo ka furmaya Cadaado, waxaana ajandayaasha ugu muhiimsan ee miiska saaran ka mid ah xil ka qaadista Madaxweyne Xaaf iyo Xareed Cali Xareed gudoomiye ku xigeenka 1aad Barlamaanka Galmudug.

Dhanka Dusmareeb Xildhibaanada Ahlu Sunna ayaa la filayaa in ay u howlgalaan sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi.

Dowladda Federaalka ayaa taageersan garabka Cadaado, waxaana markaan muuqato in Madaxweyne Xaaf uusan taageero badan ka heli doonin bulshada Cadaado uu u gurmatay sanadkii hore.

Dhanka kale Waxgarad ergo ka ahaa Madaxweyne Xaaf oo shalay soo gaaray Cadaado, ayaa fashil kusoo dhamaaday shirarkii ay la qaateen qeybaha bulshada, iyadoo la filayo in ay beri ku laabtaan Muqdisho.