Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo saaka xiran

Wararka Maanta

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, waxaana arrintan aad u hadal haya shacabka Soomaaliyeed.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sanca, Darjiinka iyo kuwo kale, waxaana xiritaanka wadooyinkan ay bilowdeen shalay, wadooyinka la xiray waxaa si aad ah u isticmaala shacabka.

Illaa hadda lama oga sababta ka dambeysa wadooyinkan xiran, waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo aad u feejigan.

Ciidanka ammaanka gaar ahaan kuwa xasilinta oo wadooyinkan xiray ayaa gaadiidka shacabka u diidaya in ay maraan wadooyinkaasi, balse keliya waxaa la ogol yahay in ay maraan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda, iyada oo gaadiidka dadweynaha ay marayaan wadooyinka qarda jeexa.

Saraakiisha ammaanka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen xirnaanshaha wadooyinkan in ay qeyb ka tahay sugidda amniga, faah faahin intaas ka badan ma aanay bixin.

Dadka reer Muqdisho ayaa dhibaato adag ku qaba xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho oo ay ku jahwareereen bulshada sababaha wadooyinka loo xiro, iyadoo hada lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xigasho: Radio Risaala