Wadahadalka Bulshada kadib khilaafaadka Doorashada (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-U heshiinta Dowladda Galmudug Ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda GalmudugĀ  ku qabatay kulan looga hadlayay Wacyi-gelinta Nabada iyo xalinta khilaafaadka ee ka dhashay doorashooyinka.

Kulanka ayaa Waxaa ka soo qeyb galay Bulshada qeybaheeda Kala duwan sida odayaasha Dhaqanka, Dhalinyarada, Haweenka iyo qeeyba kala duwan ee bulashada.

Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii loo dhayi lahaa boogihii ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay dalka.