Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa soo dhoweeyay wada hadalada ka furmay Jabuuti ee u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.
Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay inay rajeynayaan in wada hadalada ka furmay Jabuuti inay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah oo u horseeda dadka Galmudug Midnimo.
“Labada maamulba waxaan u sheegi lahaa in midnimada Galmudug ay qayb muhiim ah ka qaadan karto horumarka Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan Odawaa
“Dadka reer Galmudug waxa ay mar walba rajaynayaan in maamulka Galmudug in uu guuro caasimadiisa Dhuusa Mareeb, iyado oo dhamaan inta kula kala aragti duwan ay hehsiis ku yihiiin”ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay wixii hiil iyo hooba la garab istaagto sidii maamulkaas horukac u sameyn lahaa.