Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta Xukun dil ah waxa ay ku riday Saddex Ruux oo loo heysto dilkii iyo Gubidii Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo ) falkaas oo dhacay 20-09-2018-kii,kaas oo ka dhacay Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Maxkmadda Gobolka Banaadir ayaa la horgeeyay 7 Ruux oo loo heystay dilkii iyo Gubidii Axmed Dowlo,waxaana maanta Maxkamadda ay Xukun ku riday Xuseen Iidow Maxamed,Asli Axmed Cabdulle,iyo Aweys Iidow Maxamuud,
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaasidoo kale siideysay Afar qof oo kale oo iyaguna ku Eedeysnaa Falka dilka ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa sheegay in Xukunka uu racfaan ka furay yahay.
Sikastaba ha ahaate dhacdada lag dilay AUN Axmed Dowlo ayaa ka dambeysay kadib markii wiil uu Adeer u yahay uu guursaday Gabar ay daris aheyeen,taas oo Ehellada Gabadha dhalay ay ka caroorodeen,isla markaana ay shegeen in Gabadhooda aysan u qalmin Wiilka,taas oo ugu dambeyntii Ehellada gabadha ay u dileen AUN Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo) oo ahaa Wiilka Adeerkiis