Mas’uuliyiinta Dawladda Oo Lagu Eedeeyey In Ay Hortaagan Yihiin La Dagaalanka Musuq

Wararka Maanta

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa ka hadlay Musuqa ka jira dalkan iyo dadaalada uu xafiiskiisa ee ka dhanka ah ciribtirkiisa.

Dr Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in Musuqa dalkan hareeyay aaney eheyn oo kaliya lacagaha la dhoco, balse ay qeyb ka tahay in la sameeyo eex iyo sidoo kale hantida Somaliyed oo la lunsado.

Dagaalka ka dhanka ah Musuqa, ayuu sheegay ineysan ku koobneyn Muqidhso oo kaliya balse ay tahay halkan meesha haatan ka bilaabatay oo kaliya dagaalka Guud ee ka dhanka ah wax is daba marinta.

Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inaan si sahlan loo cirbtiri Karin Musuqa, isagoo sabab uga dhigay in Madaxda Dowladda iyo Xubnaha Hay’adaha fulinta iyo Sharci dejinta ay caqabad kala kulmayaan shaqooyinkooda.

4 Kiis oo Musuqa ah, ayuu sheegay iney wajaheen maalmahan, balse ay uga dhigneyd iney Dhinbil Dab ah gacanta ku dhigeen oo kale, maadaama ay dhaleeceyn kala kulmayeen dhinacyada ay ehelka yihiin dadla eedaha Musuqa loo soo qbato.

“ Waa Madaxda Qaranka, Waa Xildhibaanada, Waa Shacabka dadka aan kala dagaalami la’nahay Musuqa, Sababtoo ah waxey difaacayaan dadka eedaha Musuqa loo soo qbato” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Si Kastaba, hadalkan waxa uu ka sheegay munaasabad maanta lagu xusayay Maalinta la dagaalanka Musuqa oo lagu qbatay Xerada Xalane ee aadka loo ilalaiyo.

Dadkii ka qeybgalay Xuska Malainta ee hadalada ka jeediyay waxaa kamid ahaa; Wasiirka Cadaalada Somaliya, Hnati-Dhowraha Guud ee Qaranka iyo Safiirada Wadamada UK iyo Mareykanka ee Somaliya.