Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariim Xuseen Guuleed, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qaraabadii, Qoyskii iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed geeri ku timid Allaha u naxariistee Geesi Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale Taliyihii Guutada 3-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliya, oo maanta ku geeriyooday weerar ismiidamin ah oo qof nafti halige ah ku weeraray wadada warshadaha Magaalada Muqdisho.
Jeneraal Goobaale ayaa siyaasadda iyo ciidanka jagooyin badan ka so qabtay, waxaana adag in si fudud loo helo qof booskiisa buuxiya, waxaan lagu xasuustaa hogaaminta dagaaladii Muqdisho looga saaray Alshabaab.
Comments are closed.