Kooxdii Dishay Haweenaydii 65-sano jirka ahayd oo la qabtay

Uncategorized

Kadib hawlgal ciidamada Nabad Suggida ay ka sameeyeen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo xubno Shabaab ka tirsanaa.

Hawlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay saddex nin oo habeen hore dil ka gaysatay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana ay dileen haweenay da’ aheyd.

Ciidamada NISA ayaa soo qabtay saddexdaasi nin oo hadda lagu haayo xarumaha Baarista ciidanka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Haweenayda ay dileen saddexdan nin ayaa lagu magacaabi jiray Siteey Maxamed Aadan, waxayna ka tirsaneyd ciidanka Xoogga dalka Somaliya.

Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa sheegay inaysan u dulqaadaneyn dilalka loo gaysanaayo haweenka ku nool deegaanka Garasbaaley.

Al Shabaab ayaa dilal qorsheysan u gaysta Saraakiisha iyo askarka la shaqeysa dowladda Federalka Somaliya.