Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa muddo laba todobaad ka badan waxa uu ku sugan yahay gobolada Dhexe, isagoo booqday magaalooyin kala duwan.
Rw Kheyre ayaa balanqaadyo taageero dhaqaale ka sameeyey Magaalooyinka Cadaado, Dhuusamareeb iyo laba dhinac ee Gaalkacyo.
Kheyre oo 10 bishan booqday waqooyiga Gaalkacyo ayaa halkaas uga dhawaaqay inuu dhisayo garoonka ciyaaraha Cawaale, maalin kadib 11 July 2019, wuxuu bixiyey 220,000 dollar. Halka uusan wali fulin balanqaadyo ay ka mid yihiin:
- Mashruuc isxilqaan Cadaado.
- Dhismaha Garoonka ciyaaraha Cadaado.
- Dhismaha Garoonka ciyaaraha Dhuusamareeb.
- Dhismaha Garoonka ciyaaraha Cabdullaahi Ciise koofurta Gaalkacyo.
Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah Kheyre ma u siman yihiin magaalooyinka Soomaaliyeed?
Daawo Muuqaalkan