Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduuda labada dal ay gudaha u soo gelisay qaybo ka mid ah degmadaasi.
Arrintan, ayaa ka careysiisay bulshada ku dhaqan Degmada Baled Xaawo, waxayna maalmihii la soo dhaafay dhigeen bannaanbaxyo rabshado wata, iyagoona gacmaha ula tagey Ciidanka Kenya.
Wasiirka Amniga Jubbaland oo gaaray Degmada Baled Xaawo, ayaa kula kulmay Maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada, waxaana uu u sheegay inaanan Kenya looga aamusi doonin xadgudubkeeda ka dhanka ah dhulka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Wasiir Janan in muhiim ay tahay in shacabka ay isdejiyaan, islamarkaana dalka Dowlad uu leeyahay, loogana dambeeyo wixii arrimahaasi ku saabsan, wuxuuna Dowladda ka dalbaday in arrintan ay soo farageliso.
Kenya, ayaa kol hore sheegtay in xuduuda labada dal ay ka dhisi doonto darbi kala qaybiya, iyadoona tallaabadaasi ku sheegtay mid ay kaga hortageyso weerarada kaga imaanaya Ururka Al-Shabaab, balse waxaa muuqata in qorshaheedu uu sidaasi ka fogyahay.