Galkacyo oo saaka ku waabariisatay dagaal culus

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dagaal culus ayaa saaka ka bilowday magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa ka socda jihooyin kala duwan, waxaana ugu culus dagaalka ka socda dhulka dooxada ah galbeedka magaalada, raas ayaa sidoo kale ka dhaceysa suuqa bartamaha magaalada.

Madaafiicda la isweydaarsanayo ayaa ku dhaceysa xaafadaha magaalada, waxaana shalay shir ay Galkacyo ku yeesheen odayaasha waqooyiga Galkacyo ku go’aamiyeen in dagaal saf balaaran ah qaadaan.

Heshiis ay imaaraatka ku saxiixeen madaxda Galmudug iyo Puntland ayaa u muuqda hal bacaad lagu lisay, dadka siyaasada odorasa ayaa sheegaya in gulufka Puntland ee Galkacyo lagu doonayo in culeyska looga qaado magaalada Cabudwaaq oo ay maalmihii ugu dambeeyey gaareen ciidamo farabadan oo Galmudug ka socda.

Comments are closed.