Farmaajo oo ka qayb galaya Caleemasaarka Uhuru Kenyatta

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Maanta galinkii danbe u ambanaxay magaalada Nairobi, halkaasoo maalinta berri uu kaga qeyb galayo ayaa xaflada caleema saarka Madaxweynaha  Kenya Uhuru Kenyatta

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid noqonaya madaxda wadamo badan oo caalamka ka socda, kuwaasoo ka qeybgalaya xaflada caleema saarka Madaxweynaha  Kenya ee dhowaan mar labaad loo doortay Madaxtinimada dalka Kenya.

Madaxweynayaasha ka qeybgalaya munaasabada caleemasaarka ayaa waxaa ka mid ah madaxda dalalka Uganda, Djibouti, Tanzania, Rwanda, Botswana, Zambia, Namibia, iyo Togo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wararka ay sheegayaan in uu kulamo gaar gaar ah layeelan doono Madaxda qaar kamid ah wadamada gaar ahaan wadamada ay ciidamadoodu joogaan dalka Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Nairobi ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo badan la dhigey wadooyinka waaweyn. Waxaa jira cabsi laga qabo in mucaaradka dalka Kenya oo qaadacay inay ka qeybgalaan tartanka doorashada Madaxtinimada inay dhigaan banaanbaxyo rabshado wata.