Faa Faahin: Muhaajiriin lagu weeraray Boosaaso

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan xalay Magaalada ay ku weerareen Muhaajiriin u dhashay dalka Itoobiya oo ku sugnaa Magaalada Boosaaso.

Taliska Booliska Boosaaso ayaa xaqiijiyay in Koox Bastoolado ku hubeysan ay Magaalada ku weerareen rag kasoo jeedda Qowmiyadda Tigreeda oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Boosaaso.

Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu geeriyooday sidoo kalena uu dhaawacmay mid kale oo Ciidanka Booliska ay ka qaadeen goobta uu weerarku ka dhacay.

Kooxda weerarka geysatay ayaa baxsatay, waxaana Saakay Magaalada ka socda howlgallo lagu baadigoobaayo.

Boqolaal Itoobiyaan ah oo doonaya in ay aadan dalalka Carabta ayaa bil walba soo gaara Magaalada Boosaaso si ay ugu sii gudbaan dalka Yemen.