DEG DEG: Madaxwayne Farmaajo iyo Wafdi uu horkacayo oo goor dhow u ambabaxay Dalka Masar

Wararka Maanta

Waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay wefdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mas’uuliyiin sare oo katirsan Dowladda, xubno ka kala socoday Golayaasha kaladiuwan ee Dowladda iyo saraakiil.

Diyaaradii siday madaxweynaha ayaa goor dhow ka duushey garoonka diyaaradaha Aadan cadde, waxayna ku siijeedaan magaalada Qaahir ee caasimadda dalka Masar.

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Max’ed Axmed ayaa faah faahin ka bixiyay safarka madaxweynaha.

“Madaxweynaha JFS waxaa uu ku sii jeedaa dalka Masar, kadib markii uu casuumaad ka heley dhigiisa dalkaasi, wuxuu lakulmidoonaan madaxweynaha dalkaasi C/fataax Al-sisi, waxaa ku wehliya safarka madaxweynaha xildhibaano, wasiiro oo ay kamidka yihiin wasiirada arrimaha dibadda iyo waxbarashada”, Ayuu yiri Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya