Dagaal dadka deegaanka iyo Alshabaab kudhexmaray deegaanka dumaaye

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dagaal u dhexeeya dadka Degaanka dumaaye iyo Dagaalameyaal ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa Maanta ka dhacay Degaanka Dumaaye oo 50KM dhanka Waqooyiga uga beegan Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa yimid markii Al-shabaab ay dadka deegaanka isku dayeen in ay kaqaadan lacagta Zakawaatka ay uyaqaanaan
Balse sida lasheeay dadka deegaanka ayaa diiday in ay bixiyaan lacagtaasi waxaan dagaal kulul kudhexmaray duleedka magaalada
Goobjoogeyaal ayaa noo Xaqiijiyay in Al-shabaab ay la wareegeen Gacan ku haynta Degaanka Dumaaye,waxaana aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay Dagaalka Maanta.

Comments are closed.