Dagaal culus oo ka socda Magaalada Godinlabe

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa dagaal culus daqiiqado ka hor ka bilowday magaalada Godinlabe, dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada dowlad goboleedka Galmudug, iyo Maaleeshiyo jidgooyo dhigtay duleedka magaalada oo garab ka helaya Ahlu sunna.

Waxaa dagaalku hadda ka socdaa gudaha magaalada, waxaana ka qeybgalaya gawaarida dagaalka, waxaana goobta goor dhow gaaray ciidamo xoojin ah oo Cadaado ka baxay, waana dagaalkii ugu cuslaa dhawaanahan ka dhaca magaalada Godinlabe, dadka ayaa ku sugan guryahooda umana suurtagalin in ay ka qaxaan magaalada, dagaalka ayaana si kedis ah uga bilowday gudaha magaalada.

Xalay ayaa magaalada waxaa gaaray ciidan uu wato taliyaha nabad sugidda, ma cadda khasaaraha dagaalka, waxaana la soo sheegaya goobo ganacsi oo dab qabsaday.

wixii ka soo kordha kala soco halkaan

Comments are closed.